Kooxda Nottm forest ayaa si adag ugu gudubtay wareega quarter final ka ee tartanka Europe league kadib markii ay ka adkaadeen FC midtjylland ciyaar xiiso badan oo ku dhammaatay rigoolayaal.
Ciyaarta ayaa waqtigeeda caadiga ahaa ku dhammaatay 2-2 guud ahaan labada lug, iyadoo kooxda FC Midtjylland ay ku guulasatay kulankii labaad 2-1, taas oo keentay in la aado waqtiga dheeriga ah.
Waqtiga dheeriga labada kooxoodma aysan dhalin waxa goolal ah oo dheerad ah, inkastoo fursada badan la abuuray, difaacayada labada dhinac ayaa si wayn u shaqeeyay si ay uga hortagaan kale.
Markii la gaaray rigoolayaal, Kooxda Nottm forest ayaa muujisay deganansho iyo kalsooni,
Iyagoo si cad ugu adkaday kooxda Midtjylland natiijo dhan 3-0.
Tababaraha forest pereira ayaa si weyn loogu amaanay qaab ciyaareedka iyo istiraatiijiyadda uu kooxdiisa u diyaariyay, gaar ahaan dhinaca rigoorayaash.
Goolhayah forest ayaa noqday geesiga ciyaarta kadib markii uu badbaadiyay dhowr rigoore oo muhiim ah, taas oo si toos ah u go’aamisay natiijada.
Dhinaca kale, ciyaartoyda Midtjylland ayaa la kulmay cadaadis weyn intii lagu jiray rigoorayaasha, taas oo keentay in ay dhammaan fursadahooda lumiyaan.
Ciyaartan aya ahayd mid si weyn u soo jiidatay taageerayaasha labada dhinac, iyadoo xiisaha uu sare u kacayay lagu bilaabo bilow ilaa dhammaad.
Nottm forest waxay hadda si rasmi ah u xaqiijisay booskeeda quarter final ka Europe league, taas oo ah guul weyn oo ay gaareen xilli ciyaareedkan.
Guushan waxay sidoo kale kor u qqadaysa kalsoonida kooxda, iyadoo ay hadda wajahayaan kooxo ka adag wareega xiga.
Tageerayaasha forest ayaa si weyn u dabaaldegay guusha, iyagoo rajo weyn ka qaba in kooxdooda ay sii wadi karto safarkeeda tartanka.
Ugu dambeyn, ciyaartan ayaa mar kale muujisay sida kubadda cagtu u tahay mid lama filaan ah, halkaas oo rigoorayaashu ay go’aamiyaan guusha iyo guuldarrada.

0 Comments